Maamo (Qaali) oo dacwo ka ah Farmaajo

Ikraan Tahliil hooyadeed ayaa warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ra’iisul wasaaraha ayay uga mahadcelisay go’aankii uu shaqada kaga joojiyay Fahad Yaasiin, iyadoona uga digtay Farmaajo in uu is hortaago caddaaladda loo raadinaayo gabarteeda.

Warar Keydmedia Online
Maamo (Qaali) oo dacwo ka ah Farmaajo

MOGADISHU, Soomaaliya - Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaare Rooble go’aankii shaqo joojinta ahaa ee uu ku sameeyay Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Waxay ka dalbatay in uu hore u wado caddaalad u raadinta gabadheeda oo ay tilmaantay in ay ku garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ayay uga digtay in uu hor istaago cadaaladda uu Ra’iisul Wasaaraha u raadinayo gabadheeda, sidoo kalena uusan fiirin saaxiibtinnimada Fahad Yaasiin ee uu eego mas'uuliyadda ka saaran in caddaalad ay hesho Ikraan.

Hadalka ka soo yeeray hooyada Ikraan ayaa imaanaya iyada oo Farmaajo isku dayay in uu garab siiyo Fahad Yaasiin oo laga la’ yahay raq iyo ruux gabar da’ yar ah oo u shaqeyneysay dalkkeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.