Reer Kismaayo oo looga digay inay cadaalad u doontaan Al-Shabaab

Gudoomiyaha cusub ee Magaalada Kismaayo ayaa shacabka halkaasi ku dhaqan uga digay in ay garsoor u doontaan maxkamadaha Al- Shabaab, oo noqoday mudooyinkii u danbeeyey meel ay garsoor u radsadaan tiro Soomaali ah.

Warar Keydmedia Online
Reer Kismaayo oo looga digay inay cadaalad u doontaan Al-Shabaab

KISMAAYO, Soomaaliya - Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo, gaar ahaan ganacsatada iyo kuwa isku qabsada dhulalka ayaa billaabay in ay garsoor u doontaan Maxkamadaha Al- Shabaab, si ay ugu kala gar qaado laba qof ee soo dacwooday.

Arintaasi oo noqotay mid soo xooggeysanaysa sanadahaan ayaa waxaa ka hadlay duqa cusub ee Magaaladaasi Cumar Cabdullaahi Faraweyne, kaasoo shacabka ugu baaqay in ay ka waantoobaan arintaasi, oo ah sida uu sheegay mid aanu maamulku aqbali doonin. 

Duqa Kismaayo oo ay wajigiisa carro xoogan ka muuqatay ayaa tilmaamay in ay tallaabo sharciga waafaqan ka qaadayaan ciddii lagu helo in ay Al- Shabaab garsoor u doonatay,

Gudoomiyaha Cusub ee Kismaayo oo dhawaan loo magacaabay xilkan, ayaa dhanka kale shacabka Magaaladaasi ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga samata baxo falalka amni darro ee ka jira Kismaayo.

Duqa Kismaayo ayaa intaasi ku daray in muhiimad gaar ah ay siinayaan arimaha amniga iyo la dagaalanka kooxda argagixisada ee Shabaab oo Magaaladaasi ka fuliya weeraro argagixiso oo kala duwan.

Kismaayo waa magaalada qura ee uu ku xoogan yahay Maamulka Jubaland, waxana ku sugan ciidamo kenyan ah oo Magaaladaasi taangi ku geeyey hoggaanka iminka ka arimiya ee lagu magacaabo Axmed Madoobe, kaasoo ku guul dareystay dagaalka lagula jiro Al- Shabaab. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.