Maamulka Gobolka Banaadir oo amarro kusoo rogay Hay’adaha

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa amaro dul dhigay mas'uuliyiinta ka shaqeeya Hay'adaha Samafalada ee ku sugan magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
Maamulka Gobolka Banaadir oo amarro kusoo rogay Hay’adaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir ayaa amarro dul dhigay hay'adaha ka shaqeeya Samafalka ee xaruntoodu tahay Muqdisho, kuwaasoo isugu jira maxali ah iyo caalami.

Waxaa lagu amray in ay raacaan afar qodob oo laga hor akhriyay warbaahinta horteeda, kuwaasoo farriin toosa loogu diray dhammaan hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Amarada:

  1. In Dhamaan hay’adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howlgelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  inta uusan dhamaan Sanadka 2020.
  2. In Hay’addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021.
  3. Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay’adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go’aan sanay in jaangoon iyo nidaam ku sameeyno hay’ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn.
  4. In dhamaan hay’adaha ka howlgalla gobolka Banaadir laga bilaabo Maanta inay iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  Basma Caamir Shakeeti.

Amarkan kasoo baxay xafiiska ku xigeenka arrimaha bulshada ayaan ahayn markii ugu horreysay, waxaa sidan oo kale loo soo jeediyay tiro dhowr jeer ah Hay'adaha ka shaqeeya Samafalka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo u yimid in ay gar-gaar la gaaraan dad dhibaataysan oo Soomaaliyeed, qaarna ay dalka kusoo galeen xaalad deg-deg ah oo aan la weydiin karin ruqsad!

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.