Maamulka Gobolka Benaadir oo isku shaandheyn sameeyay

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamida guddoomiyayaasha arrimaha bulshada gobolka Benaadir.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Gobolka Benaadir oo isku shaandheyn sameeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Benaadir ayaa gudoomiye ku xigeenada Arimaha Bulshada Degmooyinka Gobalka  Banaadir isku shaandheyn ku sameeyay.

Ku xigeenada Arrimaha Bulshada ee la isku bedelay maanta waxay kala yihiin:

  1. Cabdikaafi Yuuusuf Nuur ayaa loo magacaabay degmada Boondheere.
  2. Cabdixamiid Cabdikariim ayaa isna loo magacaabay degmada Hodan.
  3. Maxamuud Cali Xasan waxaa isna loo magacaabay degmada Xamar Jajab.
  4. Cabdiraxman Cumar ayaa isna loo dhiibay degmada Howlwadaag.
  5. Sahro Maxamud ayaa isna Xamar Wayne loo magacaabay.

Xaawa Nuur Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Degmada Dharkenley waxayna Horay u aheed Xoghayaha Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir

Iskushaandheyntan ayaa kusoo beegantay xilli kala guur ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.