Maamulka Baydhabo oo sheegay inay ka maarmaan ciidamada Ethiopia

Muqdisho (KON) Maamulka degmada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa wuxuu ka hadlay ciidanka Ethiopia ee dhawaanahan la sheegayo in ay ka bixi doonaan magaaladaasi.
Warar Keydmedia Online

 

Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee gobalka Baay Xasan Maxamed Biikoole oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadii ciidanka Ethiopia ay isaga baxaan gobalada Baay iyo Bakool ay ka marmaan.

Wuxuu sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka iyo saraakiisha Ethiopia ay yeesheen kulan ballaaran hadii ciidanka Ethiopia ay isaga baxaana aysan dhibaato laheyn.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka Ethiopia kaliya aysan joogin balse ay joogaan ciidan ka socda AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayna ku filan yihiin ammaanka gobalada Baay iyo Bakool.

Saraakiil kamid ah ciidamada Ethiopia ayaa horay usheegay inay ka baxayaan gudaha dalka Soomaaliya xilligana aysan diyaar u aheyn inay kusii sugnaadaan.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.