Maamulka Degmada Xudur oo Codsaday Gargaar Deg-deg ah

Xudur(KON)-Gudoomiyaha Degmada Xudur Max’ed Macalin Axmed oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in Xaalad Adag ay ka jirto Degmada iyo Deegaanada Hoos yimaada.
Warar Keydmedia Online
Maamulka Degmada Xudur oo Codsaday Gargaar Deg-deg ah

Max’ed Macalin Axmed ayaa sheegay in Degmada Xudur ay ka jirto Xaalad Adag oo Dhinaca Noloshaa,islamarkaana haysata Dadka ku nool Degmada Xudur.

Gudoomiyaha  Degmada Xudur ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ka Codsaday in Gargaar Deg-deg ah ay la soo gaaraan Dadka Danyartaa ee halkaasi ku dhibaateeysan.

Dhanka kale Max’ed Macalin Axmed Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa Eedeen dusha oga tuuray Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab oo ku aadan in Caruurta Da’da yar ay Qoryo u dhiibaan,ka dibna ay dagaalka galiyaan.

Waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Gacanta ku dhigeen Caruur Da’yar oo Qiyaastii jira 9 Sano islamarkaana ay soo qaldeen Al-shabaab.

Cabashada Maamulka Degmada Xudur ayaa imaaneeysa Xili Degmada Xudur lagala wareegay maleeshiyada Al-shabaab.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.