Maamulka Faroole oo markale bilaabay dhibaateynta shacabka

Boosaaso(keydmedia) Maamulka C.raxmaan Faroole ee ka taliya gobalada Bari iyo Nugaal ayaa magaalada Boosaaso dib uga bilaabay cunaqabateen lagu hayo ganacsatada garab raratada ah.
Warar Keydmedia Online

Ciidamo ka amar qaata Faroole ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay ka wadeen suuqa magaalada Boosaaso burburin ay ku hayaan goobaha ganacsiga ee ay ay ku shaqeestaan dadka danyarta ah ee ku nool deegaanadaasi.

Burburintan ayaa ka danbeysay kadib markii dhalinyarada Faroole taliskiisa hoostagta ay ku wargeliyeen shacabka in ay ka shaqeynayaan bilicda magaalada waxaana dadku ay weydiinayaan halka loo qoondeeyay ganacsigooda maadaama ay yihiin danyar aan awood laheyn bixinta kirada guryaha waaweyn ee daaraha ka sameysan.

Mudooyinkanba waxaa aad u soo kordhayay falalka ciidamada Faroole ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobalada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.