Maamulka Faroole oo shacab ku xirxiray waqooyga Galkacyo

Galkacyo(keydmedia) Wararka laga helayo dhanka waqooyi ee magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada C/raxmaan Faroole ee halkaasi ku sugan ay xalay xabsi u taxaabeen rayid halkaasi ku sugnaa.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada oo wata hub kale duwan ayaa ku wareegayay xalay xaafadaha Israac, Garsoor iyo Baqdaada cusub oo dhamaan ku yaala dhanka waqooyi ee magaalada Galkacyo waxaana ciidamadu halkaasi ay ka xireen dad u badan dhalinyaro.

Dhalinyrada ay xireen ciidamada ayaa loo taxaabay xabsiga waqooyga Galkacyo halkaasoo kol hore ay ku sugnaayeen shacab laga qabqabtay dhanka waqooyi ee magaalada Galkacyo.

Maamulka Faroole ayaa ku caan baxay dhibaateynta Shacabka ku nool waqooyga Galkacyo, Garawe iyo Boosaaso waxaana dhamaan deegaandaasi ay yihiin kuwa xadgudubyo loogu geesto shacabka Soomaaliyeed.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.