Maamulka Gobalka Banaadir: Amisom dagaalka ha sii xoojiso

Muqdisho(keydmedia) Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobalka Banaadir Warsame joodax ayaa ka dalbaday ciidamada Amisom ee taageera dowlada KMG ah in ay sii xoojiyaan dagaalada ay ka wadaan magaalada muqdisho iyadoo mudadanba ay Amisom xasuuq ka geysaneysay magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

“Amisom waa in ay sii xoojisaa dagaalka, si meesha looga saaro Alshabaab, waxaana ka dalbaneynaa talisyada Amisom in ay u diyaar garoobaan dabar goynta Al-shabaab” sidaa waxaa yiri Warsame joodax oo warbaahinta la hadlay.

Hadalkan ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka Amaanka gobalka Banaadir ayaa ku soo beegamaya xili isbitaalada magaalada muqdisho ay buux dhaafiyeen dad ay dhibaato ka gaartay dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo isku dhan ah iyo Alshabaab.

Inta badan mas’uuliyiinta dowlada xiliyada ay ka hadlayaan arimaha dagaalada Muqdisho marna ma soo hadal qaadaan talaabooyin lagu daryeelayo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalada dhibaatada kala kulma.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.