Maamulka Gobalka Banaadir “WFP waa hogaamiye kooxeed”

Xogahaya Guud ee Maamulka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan oo maanta saxaafadda kula hadlay gudaha Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in Hey'adda WFP ay ka wado gudaha Magaalada Muqdisho Dhibaato Baahsan.
Warar Keydmedia Online

Mr Hilowle waxa uu sheegay in WFP ay qandaraas la gashay NGO-yo gudaha Magaalada Muqdisho ka howl gala kuwaas oo ay isku kaashanayaa dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo huwan magaca Samafal.

"waan ognahay raashiinka shacabka Soomaaliyeed loogu tala galay waxa uu ku keydsanyahay Baaqaro mana yeeli doono, waxaan ugu baaqeynaa Maamulka sare ee WFP in ay talaaba ka qaadaan saraakiisha u qaabilsan Soomaaliya Sidaa waxaa yiri Xoghaya gobalka Banaadir C/kaafi".

Hadalkan ka soo baxay Maamulka Gobalka Banaadir ee ku aadan eedeynta WFP ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dadka ku barakacay dagaalada gudaha Magaalada Muqdisho ay wajahayaan dhibaato nolaleed oo aad u daran.

 

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.