KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ku dishay dhowr askari oo katirsanaa Ciidanka Kenya, ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaafic ayaa lagu weeraray saldhigga Ciidanka Kenya ee Jaziiradda Kudhaa, oo katirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro.
Dadka degaanka ayaa sheegeen inay maqleen qaraxyo iyo rasaas xoog leh kadib weerarka, kaasoo isku bedelay dagaal toos ah kadib markii Al-Shabaab isku dayday inay saldhiga gasho.
Kudhaa waxay 70-KM Koonfur Galbeed uga beegan tahay magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, oo hoostaga maamulka Jubbaland, oo Axmed Madoobe hogaamiyo.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in dhowr askari oo Kenyan ah inay ku dishay weerarka hoobiye ay ku qaadey Saldhigga Kudhaa, kaasoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaarahiisa.
Jubbaland kama hadlin weerarka, sidoo kale AMISOM wax war ah kama soo saarin. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo-ku-dhaqaaq ah ku qaada xeryaha militeriga dalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.