Madaafiic lagu weeraray xerada ciidamada Jabuuti ee Beledweyne

Ilaa afar madfac ayaa ku soo dhacay gudaha xerada ciidamada Jabuuti ee Beledweyne, ilaa haddana khasaaro lama soo warin.

Warar Keydmedia Online
Madaafiic lagu weeraray xerada ciidamada Jabuuti ee Beledweyne

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro Hoobiyaal ah oo la rumeysanyahay in ay soo tuureen xubno ka tirsan kooxda Shabaab ayaa xalay fiidkii lagu garaacay xerada ciidamada Jabuuti ee ku taallo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ilaa afar madfac ay xerada ku dhaceen, kuwaas oo daryankoda laga maqlayay nawaaxiga xaafadaha saldhiga ku teedsan.

Saldhiga ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa ku yaallo xaafadda Howl-wadaag ee Beledweyne gaar ahaan suuqa xoolaha ee Kaba lays. ilaa hadda majiro wax khasaaro ah oo la soo wariyay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.