Madaxweyne Xasan Sh. oo Baaq u diray Shacabka Jubboyimka

Kismaayo (KON) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay Bulshada Jubbooyinka in ay isku tanaasulaan.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Xasan Sh. oo Baaq u diray Shacabka Jubboyimka

Madaxweynaha oo Xalay la kulmay Siyaasiin iyo Waxgarda ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in Dadka daga Gobolada Jubboyinka looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan wax walba oo keeni kara Dagaal Sokeeye.

“Arrimaha aan u nimid waxaa ka mid ah nabadeynta Jubbooyinka iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiisyadii la gaaray, waxaana Bulshada Jubbooyinka ugu baaqayaa in ay Arintaas nagala shaqeyaan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Wararka saaka aan ka heleeno Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Madaxweynaha uu booqanayo Dekadda Magaalada Kismaayo, ayadoona aad loo adkeeyey Ammaanka Magaalada.

Waxaana Wararku uu intaa ku darayaa in Wafdiga Madaxweynaha ay sidoo kale inta uu ku sugan yahay Kismaayo ay la kulmi doonan Bulshada Qeybaheeda kala duwan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.