Madaxda DF oo ka qeybgalay aaska Sheekh Shariif Hooyadiisa

Xasno ayaa ku geeriyootay 1-dii bishan dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo Meydkeeda loo keenay Muqdisho, si aas heer qaran ah loogu sameeyo.

Warar Keydmedia Online
Madaxda DF oo ka qeybgalay aaska Sheekh Shariif Hooyadiisa

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa Maanta ka qeybgalay aaska Xasno Cabdulle, oo ah Hooyadda dhashay MW hore Sheekh Shariif.

Sidoo kale, waxaa aaska qaranka kasoo qeybgalay Ra'iisul Wasaariyaashii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Maxamed Xuseen Rooble iyo mas'uuliyiin kale oo Wasiirro, taliyeyaal Ciidan iyo Xildhibaanno ay kamid yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib murugada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda.

Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumaddu," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Sheekh Shariif ayaa soo noqdey Madaxweynaha 7aad ee Soomaaliya, waxaana uu dalka soo xukumay 2009-2012, waxaana uu kamid ahaa Musharixiintii la tartamay Farmaajo doorashadii uu Xasan Sheekh kusoo baxay ee dhacday 15-kii bishii May 2022.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.