Madaxda Maamullada oo Muqdisho hal arin ugu soo qulqulaya

Waxay Madaxda Maamullada doonayaan inay u ololeeyaan Musharixiinta ay siyaasad wadaagga yihiin iyo kuwa ay doonayaan inay mustaqbalka jagooyin ka helaan.

Warar Keydmedia Online
Madaxda Maamullada oo Muqdisho hal arin ugu soo qulqulaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho kusoo qulqulayay Madaxda Maamul Goboleedyada xili dalka 15-ka bishan la isku diyaarinayo doorashadda Madaxweynaha.

Madaxweyniyeyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland ayaa yimid Caasimadda, waxaana ugu dambeeyay Cali Guudlaawe oo Maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha.

Madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland iyo Galmudug Maxamuud Sayid Aadan iyo Cali Ciid ayaa Muqdisho sidoo kale soo gaarey, iyagoo u socda ujeedo doorashadda ku saabsan.

Madaxda Maamulada ayaa u ololeynaya Musharixiinta ay wataan, oo ay u qalqaalinayaan Xildhibaanada degaanadooda laga soo doortay, si ay codka u siiyaan doorashadda May 15.

Lafta-Gareen oo soo saarey Xildhibaano 77 gaaraya, ayaa aad ugu ololeyanaya dib u doorashadda Farmaajo, oo uu daacad u yahay, maadaama uu kursiga ku fariisiyay Dec 2018.

Doorashadda sanadkan way ka duwan tahay kuwii hore, maadaama ay ku tartamayaan in ka badan 20 Musharax, oo ay ku jiraan Xasan Sh, Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.