Madaxda Soomaaliya oo loogu baaqey inay diiradda saaraan amniga

Labo nin oo ku labisnaa dareeska Ciidanka Militariga, ayaa Garoonka weyn ka soo galay dhanka Marina Gate ee ku dhegan Dugsiga Booliska ee General Kaahiye, iyagoo xoog ku galay gudaha, ka dib markii ay toogteen Ciidamadii ilaalada ka ahaa.

Warar Keydmedia Online
Madaxda Soomaaliya oo loogu baaqey inay diiradda saaraan amniga

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay diiradda saaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee Arbacadii ka dhacay Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo magaalada Beledweyne.

War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Yurub aya lagu sheegay in ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed kadib weeraradii Todobaad hore, ee ay ku dhinteen dad badan oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo Musharaxiin.

Midowga Yurub wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii ku dhintay weerarada, waxayna u rajeynayaan Caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda Soomaaliya in ay xoogga saaraan amniga, lagana adkaado kuwa dhibaatada u geysta shacabka Soomaaliyeed,’ ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Midowga Yurub wuxuu ballan-qaaday inuu si joogto ah u taageerayo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo soo celinta amniga, wuxuuna ku baaqayaa in si nabad ah lagu soo gabagabeeyo geeddi-socodka doorashada si loo gaaro himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah mustaqbal xasilloon oo barwaaqo ah.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay subaxnimadii Arbacada gudaha u galeen Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ay ku dileen 6-askari oo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo dad kale intii uu socday weerarka.

Labo nin oo ku labisnaa dareeska Ciidanka Militariga, ayaa Garoonka weyn ka soo galay dhanka Marina Gate ee ku dhegan Dugsiga Booliska ee General Kaahiye, iyagoo xoog ku galay gudaha, ka dib markii ay toogteen Ciidamadii ilaalada ka ahaa.

Saacado kadib weerarkii Garoonka diyaaradaha, labo qarax oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Habeenkii Arbacada magaaladda Beledweyne, ee xarunta G/Hiiraan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 48 qof oo ay ku jirto Xildhibaan Aamina Maxamed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.