Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Muqdisho

U-jeedka loo furayo Akadeemiyadda ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed, kuwa Jabuuti iyo kuwa kale ee ku nool degaannada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ay ka caawiso kobaca afka Soomaaliga si afku uu horumar waara uga sameeyo guud ahaan Geeska Afrika.

Warar Keydmedia Online
Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ku sooo wajahan magaalada Muqdisho, waxaana saaka Caasimadda waddanka si weyn looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Geelle.

Dhammaan waddooyinka mhiimka ah ee magaalada ayaa xiran, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaana xalay ku dhawaaqday in la hakiyey diyaaradaha maxalliga ah ee isticmaala Garoonka Muqdisho laga bilaabo 6am subax ilaa 6pm fiidkii caawa.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa xarigga ka jari doona mashaariic ay Muqdisho ka fulisay Dowladdiisa sida dhismaha xarunta Akadeemiyadda Afka Soomaaliga ee AGA, taasoo ay Geelle iyo Xasan Sheekh wadajir u dhagax-dhigeen 21-kii Feberaayo sanadkii 2015.

Dhanka kale, wufuud ka kala socota Itoobiya iyo Kenya ayaa qudhoodu maanta ku soo wajahan Muqdisho, ma cadda u jeedka booqshada wufuuddaas, hayeeshee KON ayaa fahansan in dhagax-dhiggii xarunta AGA ay wufuud ka socotay dalalkaas qeyb ka ahaayeen.

U-jeedka loo furayo Akadeemiyadda ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed, kuwa Jabuuti iyo kuwa kale ee ku nool degaannada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ay ka caawiso kobaca afka Soomaaliga si afku uu horumar waara uga sameeyo guud ahaan Geeska Afrika.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh ayaa noqday saaxiibbo siyaasadeed oo aad isugu dhow, kadib doorashadii 15-kii May 2022 ee meesha ka saartay Maxamed Farmaajo oo Itoobiya iyo Eritrea awgood ula colleytamay Dowladda Jabuuti iyo hogggaankeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.