Madaxweynaha Jubbaland oo Dhuusamareeb gaaray

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir lagu wado inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb

Warar Keydmedia Online
Madaxweynaha Jubbaland oo Dhuusamareeb gaaray

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxwenaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalda Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo shir lagu wado inuu maanta galinkii dambe ka furmo magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ay ka qeyb galayaan madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Axmed madoobe ayaa soo gaaray Dhuusamareeb maalin kaddib markii ay soo caga-dhigteen wufuud uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada saaxiibka dhaw la ah dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa la qorsheynayaa inuu furmo kaddib markii ay soo gaaraan madaxweynaha Dowla goboleedka Puntland Saciid Deni iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir Cumar Filish oo aan weli soo gaarin xarunta Dhuusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.