Madaxweynaha Jubbaland oo Garoowe lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi Jilib culus ah uu hoggaaminayo ayaa gaaray Garoowe. 

Warar Keydmedia Online
Madaxweynaha Jubbaland oo Garoowe lagu soo dhaweeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaweed lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Senator Fartaag, Siyaasi Seeraar, Siyaasi Ciid Bedel iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu dhiggiisa Garoowe kula kulmo madaxweyne Siciid Deni, iyagoona kawada hadli doono arrimaha ku saabsan doorashooyinka iyo go'aamadii lagu soo saaray shirkii Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay 19 bishaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.