Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Jabuuti

Safarka Madaxweyne Deni oo qaadan doona maalmo kooban, wuxuu ku saabsanyahay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka .

Warar Keydmedia Online

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti Maanta oo Talaad ah.

Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale.

Safarka Madaxweynaha Puntland oo qaadan doona maalmo kooban, wuxuu ku saabsanyahay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.