Madaxweyne Farmaajo oo usafraya Jabuuti

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo waddanka Jabuuti si uu uga qeyb galo shir muhiim ah oo halkaas ka dhacaya.

Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Farmaajo oo usafraya Jabuuti

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka duulo magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda waddanka aan dariska nahay ee Jabuuti halkaasoo uu uga qeyb gali doono shir ay isugu imaanayaan madaxda urur goboleedka IGAD.

Dowladda Federaalka ayaa horay u shaacisay in uu jiri doono shir ay IGAD isugu imaanayso kaasoo ka dhici doona waddanka Jabuuti, waxaana DF ay sidoo kale sheegtay in ay dacwad ka gudbisay dalka Kenya oo ay ka joogaan ciidamo Nabad ilaalin ah Soomaaliya. Xiriirka labada dal ee Soomaaliya ayaa xumaaday sanadihii u dambeeyay, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu sii hurinayo xiriirka labada dal ee mad-madowgu soo galay.

Shirka lagu qabanayo waddanka Jabuuti ayaa looga hadli doonaa arrinta ku aadan waddanak Itoobiya gaar ahaan colaadda gobolka Tigreega, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk oo Adisababa wada-hadallo kula qaatay dhiggiisa Abiy Axmed uu sheegay in dalka Jabuuti la isugu imaan doono si xaaladda waddankaasi looga wada hadlo.

Shirka ayaa la filayaa in uu si rasmi ah ufurmo 20 December iyadoo madaxda urur goboleedka ee ka qeyb galeysa shirkaasina ay kusii qul-qulayaan magaalada Jabuuti ee waddanka Jabuuti.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.