XASANOW XAL KEEN

Madaxweyne mushkiladu waa muuqataa!!

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo hor jeeday habdhaqanka hoggaanka hay’adaha amniga, ka hor inta uusan xilka qaban, kuna baaqayay in xilka laga qaado ayaan wali fulin filashadii shacabka ee ku aaddaneyn xil ka raacdeynta adeegayaasha Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Madaxweyne mushkiladu waa muuqataa!!

MUQDISHO, Soomaaliya – Dadka Soomaaliyeed ee u dhuun duleela arrimaha siyaasadda ayaa la yaab iyo amakaag ku tilmaamay sababta 98 maalmood kadib doorashadii 15 May 2022 ay hoggaanka amniga dalka u sii hayaan, raggii Farmaajo u qaabilsanaa kadeedka siyaasiyiinta iyo caburrinta shacabka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda.

Sida ay qabaan qaar ka mid ah khubarada amni, falalka amni darro ee Muqdisho xilligaan ka aloosan waxa ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed, kuwaas oo la doonayo in durba lagu fashiliyo Dowladda, waxaana qorshahaas loo adeegsanayaa gacmaha hoggaanka hay’adaha amniga oo fahansan in xilka ay banneyn doonaan maalmaha soo socda.

Taliyaha Ciidanka Lugta Maxamed Tahliil Biixi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), waxa ay hormuud u ahaayeen damicii la doonayay in Farmaajo si xoog ah dalka uga taliyo, waxa ay lahaayeen amarrada weerarkii 19-kii Feberaayo  2021 lagu qaaday huteel Maa’idda iyo siyaasiyiiin dhigayay mudaharaad nabadeed isla maalintaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) dhankooda waxa ay ahaayeen gacanta fulisa awaamiirta Biixi iyo Xijaar, ka sokow caburinta shacabka iyo ku duulka mucaaradka, waxa ay ku lug lahaayeen isku daygii af-ganbi ee 27 Dec, 2021 ka dhacay Villa Somalia.

Saraakiishaan waxa ay 27-kii Abril 2021 Caasimadda dagaal kula galeen askar ka tirsan Xoogga Dalka oo ka soo hor jeeday muddo kordhin sharciga baal-marsaneyd, waxa ay ka dagaallameen Shiirkole, Mirinaayo, Siigaale, Tarabuun, Dalcadda Cabdiqaasim, Sayidka iyo goobo kale waxayna waqtigaas duullan ku qaadeen guryo ay leeyihiin siyaasiyiin caan ah.

Hoggaanka Gobolka Banaadir, sida; Cumar Maxamed Maxamuud (Finish) iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) waxa ay ku suntanaayeen adeegayaasha Farmaajo, waxa ay qeyb ku lahaayeen caburrinta shacabka iyo dayacaadda amniga, waxa ay ka hor yimaadeen bannaan-baxyadii nabadeed ay shacabku aragtidooda ku muujin lahaayeen.

Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxda garbihiisa dhooban waxa ay muddo dheer dadka u tilmaamayeen qaladaadkaas kor ku xusan iyo ka badan. Shacabku wuxuu is weydiinayaa sida Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay 100 maalmood u oggolaadeen in gafanayaashu dhiigga shacabka sii dhuuqaan.    

Labo isbuuc oo buuxda ayaa laga joogaa markii ay kalsoonida Baarlamaanka heshay Xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, halkii la filayay  in Golaha Wasiirradu diiradda saaraan howlaha muhiimka ah, sida joojinta dhiig baxa shacabka Muqdisho ma dhicin, waxayna ka doorteen safarro, xafladeyn iyo xilal ku faan.

Kadib weerarka Huteel Xayaat, waxaa si weyn isku qabsaday guux ku aaddan habacsanaanta dhan kasta ah ee ay ku billaabatay Dowladda cusub, waxaana meel kasta is qabsaday baaq ku aaddan in Madaxweynuhu qaato masuuliyaddiisa, si degdeg ahna meesha uga saaro hoggaanka hay’adaha amniga, kulana xisaabtamo dhacdooyinka dhacay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.