Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug

Cabdicasiis Nuur Xuseen oo ka mid ahaa garsoorayaashii Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Galmudug. 

Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu magacaabay Cabdicasiis Nuur Xuseen in uu noqdo xeer ilaaliyaha guud ee maamulkaas.

Cabdicasiis oo ka mid ahaa garsoorayaashii Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabay xeer ku asteysan 26 Agoosto, 2020.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug

Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga.
Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.

Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.

Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.

Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM
Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM

Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM

Wuxuu soo saaray xeerkaan:

Qodobka 1aad

Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM

Qodobka 2aad

Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.