Madaxweyne Shariif “hala dadajiyo kalsooni siinta R.wasaaraha”

Muqdisho(Keydmedia) Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa looga dalbaday xildhibaanada baarlamaanka in ay u istaagaan kalsooni siinta R.wasaraha.
Warar Keydmedia Online

Waxa uu xusay madaxweynaha in loo baahanyahay kalsooni siinta R.waaaraha isagoona hoosta ka xariiqay in howla badan ay hor yaalaan hey’adda fulinta oo ah xukuumadda, howlaha xukuumada horyaal waxaa ka mid ah baa la yiri sida warsaxaafadeedka lagu sheegay amniga, gudoonka deeqaha caalamka iyo arimo kaloo badan isagoona hoosta ka xariiqay in aan culeyskaas la xamili Karin.

Hadalkan ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa ku soo beegmay xili muran badan uu ka jiro qaabka kalsooni siinta R.wasaaraha isla markaana ay isku maandhaafeen mudanayaasha Baarlamaanka.

 

Dhanka kale waxaa gudaha Muqdisho tan iyo saacadihii la soo dhaafay ka socday kulamo gaar gaar ah oo ay ujeedadooda tahay sidii loo taageeri lahaa R.wasaaraha wallow xiliyada qaar ujeeda dhaqaale doonnimo aanay ka marneyn.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.