Madaxweyne Shariif iyo Jeneraladi Qaranka oo Madaxtooyada kulan ku yeeshay

Saraakiil ka tirsaneyd ciidamadii milatariga dalka Soomaaliya ee dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa Janankii geeriyooday Maxamed Siyaad Barre ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay mudo 20 sana ah kadib.
Warar Keydmedia Online

Generaaladaan oo gaaraya ku dhawaad 10 ayaa waxa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ee magaalada Muqdisho iyada oo aysan odaanin saxaafada ama aanan la hadlin.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw dhaw madaxtooyada saraakiishaan ayaa waxa la dejiyey madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo ay kulamo kula qaateen xalay madaxweynaha dowlada Sheekh Shariif.

Saraakiishaan howlgabka ah oo ay ka midyihiin Gen Maxamed Saalax iyo Gen. Caarre ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay sidii ay uga caawin lahaayeen saraakiisha hada hogaamineyso ciidamada dowlada dowlada wixi qibrad ah.

Ciidamada qalabka sida ee dowlada KMGS ayaa wado diyaar garoow ay ugu jiraan sidii ay uga qabsan lahaayeen ururka Al Shabaab deegaanada ay ka joogaan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.