Madoobe: Waxaa ku dhex-jira dowladda dad fududeeya weerarada

Hadalka Gudoomiyaha ayaa yimid maalin kadib markii dowladda sheegtay inay ku fashilantay kahor-tagga weerarkii Al-Shabaab ee hotel Xayaat.

Warar Keydmedia Online
Madoobe: Waxaa ku dhex-jira dowladda dad fududeeya weerarada

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa qiray inay dowladda ku dhex-jiraan dad la shaqeeya Al-Shabaab, oo u fudueeya weerarada argagaxiso ee ka dhacaya Caasimadda dalka.

Isagoo ka hadlayay kulan loogu magac-daray Banbax oo Xukuumadda cusub Maanta ku qabsatay Decale hotel ayuu ka sheegay in dowladda uu haysto fashil wayn oo dhanka amniga ah, taasoo u sabab ah inay Al-Shabaab wada-shaqeyn la leedahay shaqsiyaad dowladda u shaqeeya, oo ugu badan kuwa ku jira hay'adaha amniga.

Dalka fashilka ugu weyn ee haysta waa amniga, lama rabo hadal, ee waa inaan ficil dhab ah la imaanaa, oo dadka ku qanci karaan, oo ku saabsan la dagaalanka Al-Shabaab," ayuu yiri Madoobe.

Wuxuu intaas ku daray in Al-Shabaab la dagaalankeeda u baahan yahay ka go'naansho iyo shaqo dhab ah, isagoo ku baaqey in marka hore lala dagaalamo kuwa ku dhex-jira dowladda ee fududeeya weerarada argagaxiso.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hadalkiisa yimid kadib markii RW Xamza uu sheegay shalay in Xukuumadiisa ay sameyn doonto isla-xisaabtan kuwa gabey mas'uuliyadooda amniga, isagoo dhanka kale xusay inay qaadayaan mas'uuliyadda kahor-tag la'aanta weerarkii hotel Xayaat.

Xasan Sheekh ayaa illaa hadda ka aamusan weerarkii hotel Xayaat, oo shacab gaaraya 21 qof lagu xasuuqay, waxaana aamusnaantiisa muujisay fashilka amniga ee uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.