Magacyada qaar kamid ah Shabaabkii Xabsiga lagu dilay

Dowladdu waxay sheegtay in xaaladda xabsiga ay caadi kusoo noqotay, islamarkaana uu socdo baaritaan.

Warar Keydmedia Online

Waxay Keydmedia Online heshay magacyada labo kamid ah Shabaabkii lagu dilay weerarkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe. 

Waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamuud Maxamed iyo Maxamed Daa’uud Dirir oo ku magac dheeraa (Dr Raage), oo min 15 sano ku xukunnaa.

Waxuu Dr Raage horey uga tirsanaa Al-Shabaab, balse markii dambe ku biiray Daacish.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii maxaabiista AlShabaab ay hub gacanta ku dhigeen, kadibna ay weerareen Ciidamada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.