Mahad Salaad oo loo magacaabay Taliyaha NISA

Taliyaha cusub ee hey’adda ayaa waxaa loo magacaabay Mahad Salaad Maxamed oo kamid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Mahad Salaad oo loo magacaabay Taliyaha NISA

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta ayaa ansixiyay magacaabista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, oo loo magacaabay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Xilkaan waxaa si ku meel gaar ah u hayay, Yaasiin Farey, kadib markii uu Ra'iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, bishii September 2021, ka raacdeeyay eedeysane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo xilkaan ku galay gabool-fallo waaweyn oo siyaasadeed iyo jarriimooyin shacab.

Magacaabista Mahad, ayaa la micno ah, inuu lumiyay kursigii Golaha Shacabka ee Hop147, kaasoo uu ku fadhiyay 12-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana la is weydiinayaa sababta MW Xasan u doortay inuu Mahad oo aan hore khibrad ciidan u lahayn u dhiibo Taliyaha NISA.

Mahad Salaad, wuxuu hormuud u ahaa, Xildhibaanno ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad, kuwaas oo Madaxweynihii hore Farmaajo, si weyn uga soo hor jeeday, wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka aadka ugu dhow MW Xasan, xubin firfircoon ayuuna ka yahay Xisbiga UPD, ee Madaxweynuhu hoggaamiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.