Maka go’an tahay dowlada cusub wada hadalada Somaliland?

Somaliland oo ayaa in ka badan 30 sano sheeganeysa in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, waana arrin caqabad ku ah midnimada dalka.

Warar Keydmedia Online
Maka go’an tahay dowlada cusub wada hadalada Somaliland?

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey munaasabada 26 June oo ah markii ay gobolada waqooyi xornimada ka  qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa ku dheeraaday arrinta la xiriirta gooni isu taaga Somaliland.

Xamse ayaa nasiib darro ku tilmaamay, in 60 kadib ay kala maqan yihiin gobolada waqooyi iyo kuwo koonfureed, isagoo sheegay in dowladan ay dadaal badan ku bixin doonto xalinta tabashooyinka ay qabaan Somaliland.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in isaga iyo madaxweynaha ay ka go'an tahay dib u furida wada hadaladii labada gobol, taas oo hoos u dhacday intii uu xafiiska joogay Farmaajo.

Xukuumadda uu soo dhisayo ayuu xusay in kaalin weyn siineyso sidii loo amba qaadi lahaa wada hadaladaas, wuxuuna sheegay in dhankooda ay muujinayaan tanaasul weyn.

Lama ogga waqtiga rasmiga ah ee ay wada hadalada billaaban doonaan, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in ay adag tahay in Somaliland lagu qanciyo arrimaha la xiriira midnimada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.