Maka go’an tahay Xasan Sheekh inuu la dagaalamo Al-Shabaab?

Maalmo kahor, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay dagaal aan waxba lala harin, oo dowladda ku qaadi doonto Kooxda Al-Shabaab kadib weerarkii Hayat hotel.

Warar Keydmedia Online
Maka go’an tahay Xasan Sheekh inuu la dagaalamo Al-Shabaab?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh wuxuu sheegay in amniga yahay ahmiyadda 1aad ee shaqada dowladdiisa, si loo gaaro xasilooni iyo nabad waarta, wuxuu ku qasban yahay inuu wiiqo awoodda Al-Shabaab, islamarkaana ka saaro meelaha ay kasoo abaabusho weerarada.

Maalmo kahor, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay dagaal aan waxba lala harin, oo dowladda ku qaadi doonto Kooxda Al-Shabaab kadib weerarkii Hayat hotel, ee magaaladda Muqdisho, kaasoo noqday mid Al-Shabaab ku tijaabisay dowladda cusub, sidoo kalena ku muujisay awoodeeda iyo joogitaankeeda.

Si dowladda u shaqeyso, una fuliso waajibaadka loo igmadey, waa inay dagaal dhab ah, oo aan dib looga soo laabanaynin ku qaado Al-Shabaab, oo inta ay ku sugan tahay gobollada ku dhaw Muqdisho aan suurta-gal ahayn in amni la helo Caasimadda.

Xasan Sheekh waxa uu billaabey a baabul iyo guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana hadda bilowga howlgalka la qorsheeyay laga dareemay gobolka Hiiraan, oo Al-Shabaab laga saarey dhowr meelooda oo duleedka Beledweyne ku yaalla iyo inta u dhaxaysa Maxaasa iyo Matabaan.

Waxay Beesha Caalamka, gaar ahaan Mareykanka balan-qaadey inuu Xasan Sheekh ka taageerayo dagaalka, iyadoo Biden usoo diray Soomaaliya boqolaal askari oo dhanka duqeymaha cirka ka taageeraya Ciidamada dowladda ee dhulka kala dagaalamaya Al-Shabaab.

Inkastoo Caasimadda laga saarey Al-Shabaab xiligii dowladda Sheekh Shariif 2011, haddana Xasan Sheekh ayaa lagu amaanaa inuu Kooxda sii riixay, isagoo mudo-xileedkiisii hore ku qaaday dagaalka lagu xoreeyay magaalooyin waaweyn Baraawe, Marko, Buurdhoobo, Waajid iyo Xudur ay kamid ahayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.