Malaysiya oo sare u qaadeysa xiriirka Soomaaliya

Anwar bin Ibrahim waa siyaasi 24 sano ku jiray halgan siyaasadeed, waa siyaasi mayal adag oo ugu yaraan laba kol xabsiga loo dhigay aragtidiisa siyaasadeed, lagu sameeyay sumacad dil iyo balan-fur xilliyo kala duwan, ugu danbeyn waxaa u rumowday riyadiisi.

Warar Keydmedia Online
Malaysiya oo sare u qaadeysa xiriirka Soomaaliya

KUALA LUMPUR – Malaysia oo ka mid ah dalalka aan saameynta siyaasadeed ee buuran ku lahayn Soomaaliya ayaa hadda aad u xiisaynaysa in ay sii sahamiso siyaabaha kor loogu qaadi karo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha 10-aad ee Malaysia Anwar Ibrahim oo Boqor Cabdalla uu Khamiistii u magacabay xilkaas ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay sida ay Kuala Lumpur u daneyneyso in ay xajiso cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim oo ka jawaab celiyay hambalyo iyo bogaadin uu u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib magacaabistiisii ayaa yiri, “Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh waa ku mahadsan tahay rajeyntaada wanaagsan”.

“Malaysia waxay sidoo kale aad u danaynaysaa inay wanaajiso xiriirka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo gaaritaanka horumarrada faa’iidooyinka u ah labada dal ee walaalaha ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Datuk Seri Anwar Ibrahim.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa hore u muujiyay xiisaha uu u qabo wanaajinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, sida uu ku sheegay qoraal uu boggiisa twitter-ka ugu hambalyeeyay Anwar 24 bishaan November.

Anwar bin Ibrahim waa siyaasi 24 sano ku jiray halgan siyaasadeed, waa siyaasi mayal adag oo ugu yaraan laba kol xabsiga loo dhigay aragtidiisa siyaasadeed, lagu sameeyay sumacad dil iyo balan-fur xilliyo kala duwan, ugu danbeyn waxaa u rumowday riyadiisi.

Wuxuu hore u soo noqday hoggaamiyihii 12-aad iyo 16-aad ee Mucaaradka laga soo bilaabo Ogosto 2008 ilaa March 2015 iyo mar labaad May 2020 ilaa Noofembar 2022. Waxa kale oo uu soo noqday Guddoomiyaha 2aad ee isbahaysiga Pakatan Harapan (PH).

Malaysia waa waddan ku yaal Koonfur-bari Aasiya, sanadihii danbe waxaa sal-dhigatay Soomaali badan, haba ugu horreeyaan arday iyo ganacsato. Malaysia waa mid ka mid ah dalalka Aasiya ee sida weyn diiradda u saaray dhanka horumarka kana guul gaaray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.