Maleeshiyaad Shabaab ah oo lagu qabtay Galgaduud

Ceel-lahelay(KON)-Ilaa 7 ka tirsan Maleeshiyaadka u dagaalama Kooxda Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in lagu qabtay Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud.
Warar Keydmedia Online
Maleeshiyaad Shabaab ah oo lagu qabtay Galgaduud

Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in la qabtay ka dib markii Ciidamada AMISOM ee ka socda Dowladda Itoobiya iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ay Al-shabaab Deegaankaasi kula dagaalameen.

Xuseen Cumar oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in Ragaan ka tirsan Shabaab Gacanta lagu hayo iyaga iyo Hub koodii.

“Maleeshiyaadkaan Ciidamada ay qabteen wey wareereen dagaalku markuu dhacay meel ay aadaan ayey garan waayeen sidaa ayaa Gacanta loogu dhigay”ayuu yiri Sargaalkaan u hadlay Milatariga.

Ciidamadda Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegay Deegaano farabadan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud,waxaana Howlgalka kuu qeyb ka yahay kan dalka looga saarayo Al-shabaab.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.