Mareykanka oo amar dul-dhigay Farmaajo iyo Rooble

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dalalka Reer Galbeedka ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya oo dibada laga hago.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo amar dul-dhigay Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aan loo sii dulqaadan doonin sii socoshadda dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya, oo la filayay in lasoo gabagabeeyo 10ka bishan oo ahayd in la doorto Madaxweyne cusub.

Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Africa ayaa ugu baaqdey Farmaajo iyo Rooble inay si deg deg ah ku xaliyaan khilaafka u dhaxeeya ee saameeyay hanaanka doorashadda.

Kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Africa Mary Catherine Phee ayaa hadalkan sheegtay kadib kulan ay la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq.

Mareykanka ayaa amar culus dul-dhigay Farmaajo iyo Rooble oo isku haya arrimaha doorashadda iyo kiiska Ikraan Tahliil, oo baaritaankiisa uu hakad-galay markii Gudiga loo diiday inay tagaan xarunta NISA.

Farmaajo oo mudo-xileedkiisu dhamaadey Feb 2021 ayaa Villa Somalia sii jooga si sharci darro ah waxuuna caqabad ku noqday hanaanka doorashadda ee uu mas'uulka ka yahay Rooble.

Mareykanka iyo iyo dowladaha kale ee Beesha Caalamka ayaa ku jahwareersan siyaasadda Soomaaliya oo khilaafka ka dhamaan waayay, iyagoo hadda quus jooga iyo inay ka niyad-jabaan caawinta dalka si uu cagihiisa dib isagu soo taago.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.