Mareykanka oo billaabey fulinta go’aanka xayiraadda safarka

Dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya ayaa horseedaya xasilooni darro siyaasadeed, oo khatar ku ah guulaha laga gaaray dhanka amniga waxayna hoos u dhigaysaa horumarka dhaqaalaha.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo billaabey fulinta go’aanka xayiraadda safarka

WASHINGTON, USA - Kadib markii madaxda Soomaaliya ay ku fashilmeen inay doorashadda Baarlamaanka kusoo gabagabeeyaan waqtigii lagu heshiiyay ee 25-ka Feb, waxay dowladda Mareykanka shaacisay inay billowday fulinta go'aankii ay 8-dii bishan soo saartey ee xayiraadda safarka ugu soo rogeyso shaqsiyaadka caqabadda ku ah doorashadda.

Waxaan ku soo rogaynaa xannibaado fiiso oo ka dhan ah tiro ka mid ah mas'uuliyiinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaadka kale si aan kor ugu qaadno isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka

 Ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Ma aysan sheegin Wasaaradda magacyada shaqsiyaadka xayiraadda la saarayo, balse waxay Keydmedia Online ogaatey inay ku jiraan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo ah Mas'uuliyiinta caqabada ku ah doorashadda Soomaaliya, oo tan iyo 2021 dib u dhacaysay.

Sidoo kale, waxaa ku jira qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, sida Axmed Madoobe iyo Deni, oo illaa hadda soo dhameystirin kuraasta degaanadooda laga soo doorto.

Kadib markii lagu guul daraystay in lagu dhameystiro doorashadda 25-ka bishan, Madaxda Maamulada iyo Rooble ayaa qabsadey xilli kale, oo ah 15-ka March si loo dhamaystiro doorashada Baarlamaanka, taasoo aan la hubin inay ku dhacayso, maadaama caqabadaha jira aan la xlain.

Illaa hadda 179 kursi ayaa la doortey, waxaana dhiman 96, iyadoo mudada ay qabsadeen Madaxda ee 15-ka March ka harsan tahay 17 maalin, oo laga doonayo maalin walba inay ugu yaraan 5 Xildhiaan doortaan, si waqtiga kama dambeysta ah ugu soo buuxiyaan inta dhiman.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.