Mareykanka oo ciidamo cusub usoo diraya Soomaaliya

Millatariga Mareykanka ayaa mar kale boqollaal ka mid ah ciidamada hawl-gallada gaarka usoo diraya dalka, sida lagu shaaciyay wargeyska NYT. 

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo ciidamo cusub usoo diraya Soomaaliya

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar u ogolaanaya millatariga Mareykanka in ay mar kale boqollaal ka mid ah ciidamada hawl-gallada gaarka ah geeyaan gudaha Soomaaliya – taas oo meesha ka saaraysa go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald J. Trump.

Trump ayaa bishii Janaayo 2021, maalmo kahor inta uusan ka tegin xafiiska, Soomaaliya ka saaray dhamaan 700 boqol oo ciidan oo joogay gudaha dalka. 

Mr. Biden ayaa sidoo kale ogolaaday codsi ka yimid Pentagon-ka Mareynka oo ku saabsan in la beegsado ku dhawaad ​​12 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Tan iyo markii Biden uu la wareegay xafiiska Aqalka Cas, duqeymaha cirka ayaa inta badan ku koobnaa kuwa loogu talagalay in lagu difaaco 'ciidamada saaxiibada' ah ee wajahaya khatar degdeg ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Pentagon-ka oo la hadlay Wargeyska New York Times. 

KEYDMEDIA ayaa ogaatay in dad badan oo shacab ah ay naftooda ku waayeen duqeymaha Mareykanka ee Droneska, waxaana inta badan AFRICOM sheegtaa inaysan khasaaro rayid ka dhalan howlgalladooda, balse taasi beenowday kadib markii ay hadleen ehelada dhibaniyaasha.

Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa u aragta khatarta Al-Shabaab mid sii xoogeysatay mudadii duqeymaha diyaaradaha maqnaayeen, iyadoo Safiirka Mareykanka uu sheegay in khatarta Kooxdan ay ka xoog badan tahay sidii hore.

Ciidamadaan losoo dirayo Soomaaliya ma ahan kuwa ka qeyb-galaya dagaal toos ah, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo codsaday inaan la magacaabin.

Maamulka Biden, ayaa hore dib u eegis ku sameeyay go’aankii Donald Trump, ee ciidamada looga saaray Soomaaliya, taas oo qayb ka ah dib u qiimeyn ballaaran oo lagu sameeyay ciidamada Mareykanka ee ku sugan dibadda, iyadoo loo ogolaaday ciidamada inay xilliyada qaar gudaha dalka ka fulin karaan howl-garro gaar ah.

Dhanka kale, Mr. Biden, waxa uu si weyn u dhimay duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka la beegsan jireen, Al-Shabaab, 13-kii bilood ee ugu horeysay ee Biden ahaa madaxweynaha, kaliya shan weerar oo xagga cirka ah, ayaa lagu qaaday Al-Shabaab.

Go'aanka uu soo saaray Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa dib u soo noolaynaya hawlgal furan oo Maraykan ah, walina ma cada shuruudaha keenista ciidankaan cusub. 

Dowladda cusub ee Xasan Sheekh ayaa wali ka jawaabin warbixinta NYTimes. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.