Mareykanka oo dib u billaabay baacsiga Al-Shabaab

Taliska Mareykanka u qaabilsan Howlgallada Afrika ee [AFRICOM] ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka oo ka dhacay degaanka Libi-kuus ee Gobolka Jubada hoose.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo dib u billaabay baacsiga Al-Shabaab

KISMAAYO, Soomaaliya - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa duqeyn diyaaradeed ka fuliyay Soomaaliya Axaddii, meel u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xurunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Duqeyntaan oo lala beegsaday Kooxda Al-Shabaab, ayuu taliska Mareykanka u qaabilsan Howlgallada Afrika ee AFRICOM, sheegay in ay ka dhacday degaanka Libi-kuus, halkaas oo lagu dilay labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM, waxa ay xustay in Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an la dagaallanka Al-Shabaab si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, loogana badbaado khtarta mustaqbalka.

Howlgalkaan ayaa ahaa midkii ugu horreeyay ee ka dhaca dalkaan ku yaalla Geeska Afrika tan iyo markii uu Joe Biden bishii May 2022 aqbalay go’aan Soomaaliya dib loogu soo celiyo Ciidamada Mareykanka ee lagu saaray amarkii Trump.

“Iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, ka dib markii Kooxdu weerar ku qaadday ciidamo huwan ah”. Ayaa tiri AFRICOM.

Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay, in marka laga yimaado labada dagaal yahaan ee Al-Shabaab, aysan jirin cid kale oo ku dhaawacmay ama ku dhintay howl-galkaas, marka la eego sida rayadka u fogyihiin goobta.

Sanad ka hor ayay ahayd markii ugu yaraan 16 dagaallame oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay, tuulada hadda duqeynta laga fuliyay ee Libi-kuus, kadib howl-gal ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska ee DANAB.

Inkastoo Joe Biden uu hore u ballan qaaday intii uu ku jiray ololihiisa, inuu ka fogaan doono "dagaallada weligood ah" ee ka dhanka ah argagixsada oo socday tan iyo 2002, haddana wuxuu aqbalay in Soomaaliya loo diro 450 ilaa 500 oo askari.

Waxaa xusid mudan in ku dhawaaqista dib u soo celinta askarta Mareykanka ay timid maalmo kadib markii doorashada looga adkaaday Farmaajo, oo saaxiib dhow la ahaa saaxiibada Ruushka ee Geeska Afrika – Itoobiya iyo Eritrea.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan, ayaa dhankiisa saaxiib la ah, Jabuuti iyo Kenya, wuxuuna u janjeeraa dhanka Mareykanka marka la eego Ruushka, taasoo muujineysa in dib u soo celinta askarta ay la xariirto xifaaltan Juqraafiyadeed.

Mareykanka ayaa xiriir qoto dheer la leh Soomaaliya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay safaarad ku leedahay Washington,D.C. tan iyo 2014-kii, halka Mareykanku uu isna safaarad ku leeyahay magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.