Mareykanka oo Duqeyn ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab

Duqeynta ayaa ku timid codsiga Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasoo weerar kala kulmay Al-Shabaab xili ay ku guda jireen howgal.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo Duqeyn ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ayaa soo saarey Maanta war qoraal ah, oo ku shaaciyay inuu duqeyn ka fuliyay Koonfurta dalka Soomaaliya Khamiistii lasoo dhaafay.

AFRICOM ayaa qoraalka ku sheegtay in 15 kamid ahaa Al-Shabaab ay ku dhinteen duqeynta oo laga fuliyay degaan ku dhaw degmada Cadale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraalka oo nuqul kamid ah KON heshay ayaa lagu xusay in aysan jirin wax khasaaro ah, oo dadka shacabka ah kasoo gaarey duqeynta cirka, oo ahayd mid is-difaacid ah.

Waxaa la sheegay in Ciidanka la weeraray ay ahaayeen DANAB, oo ah unug katirsan Militeriga Soomaaliya, kaasoo Mareykanka uu tababaro, sidoo kalena uu siiyo Mushahaar iyo qalab.

Duqeynta ayaa kusoo beegmaysa xili howlgallo ka socdaan Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaasoo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo tan iyo bishii September laga saarey dhul ballaaran.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya ilala 700 oo askari, oo lagu soo celiyay dalka Bishii May 2022, kadib markii la arkay inay sii kordhayso khatarta Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.