Mareykanka oo fariin u diray Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Tani waxay qeyb ka tahay cadaadiska Beesha Caalamka uu ku saarayo Madaxa Siyaasadda Soomaaliya inay heshiis ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya ee dhanka doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo fariin u diray Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

MUQDISHO, Soomalaiya - Safaaradda Mareykanka ayaa maalmahan soo saareysa qoraallo canaan iyo cagajuglayn xambaarsan oo ay u dirayso Madaxda Soomaaliya ee isku khilaafsan hanaanka doorashadda.

Qoraal Maanta kasoo baxay oo noqonaya kii labaada mudo labo maalin gudahooda ayaa fariin kale loogu diray Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, ee ku sugan Muqdisho.

Safaaradda ayaa ugu baaqday Farmaajo inuu xaqiijiyo in Shirka Afisyooni uu ka furay shalay uu noqdo mid loo dhan yahay, iyadoo Madaxda Maamullada shanta ah dhamaantooda lagu amray inay si shuruud la'aan ah uga qeybgalaan.

Maalin kahor, March 21, waxay Safaaradda sheegtay inaan la aqbali doonin fashil kale oo ku yimaada wadahadallada, waxayna ku amartay hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada inaysan Muqdisho ka bixin inta heshiis wadar ogol ah laga gaarayo.

Waxaa muuqata in hadallada Mareykanka iyo baaqyada Beesha Caalamka aan waxba ka bedelin mowqifka Axmed Madoobe iyo Deni ee ku aadan shirka Afisyooni, iyagoo sheegay inaysan ka qyebgali doonin inta laga fulinayo dalabkooda ah in Farmaajo wareejiyo talada dalka iyo maamulka doorashadda.

Axmed Madoobe iyo Deni waxay degan yihiin Airport hotel, oo dhowr tallaabo u jira Safaaradda Mareykanka halkaasoo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo ay la yeelanayaan Musharixiinta Mucaaradka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.