Saraakiil Al-Shabaab oo lagu daray Liiska Argagixisada

Hogaamiyeyaashan ayaa lagu eedeeyay weerarkii ka dhacay Kenya bishii January ee sanadkan 2020, kaasoo lagu dilay saddex Mareykan ah.

Warar Keydmedia Online
Saraakiil Al-Shabaab oo lagu daray Liiska Argagixisada

WASHINGTON - Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagaxisadda ku dartay labo hogaamiye oo kamid ah Al-Shabaab, kuwaasoo mas'uul ka ahaa weerarkii lagu qaadey saldhigga diyaaradaha Drones-ka kasoo duulaan ee ku yaalla Manda Bay, Kenya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Maalin Ayman, oo ah madaxa garabka Jaysh Ayman, ee u qaabilsan Al-Shabaab weerarada Kenya iyo C/llaahi Cismaan ay ku dareen Liiska Argagaxisadda Caalamiga, islamarkaana ay baadi goobayaan.

Ninka labaad, C/llaahi wuxuu maamulaa qeybta qaraxyada iyo warbaahinta Al-Shabaab.

Labada hogaamiye ayaa qorsheeyay weerarkii Xerada Camp Simba ee Lamu oo dhaca Xeebta Waqooyi ee Kenya, halkaasoo lagu dilay seddex isagu jira hal askari iyo labo qandaraasle u dhashay Mareykanka, sidoo kalena lagu burburiyey dhowr diyaaradood.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in la xayiray lacagta labada hogaamiye u taalla Mareykanka, sidoo kalena demi laga dhigay in la caawiyo, waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda sheegtay inay kala shaqeynayaan Kenya iyo Soomaaliya ciribtirka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa 2008 ku daray Al-Shabaab liiska argagaxisadda Caalamiga, waxana madaxa hogaamiyeyaal dhowr ah la dul-dhigay lacago Malaayin dollar ah oo loo balan qaaday in la siinayo cidii soo gudbisa macluumaad horseedaya dilkooda ama qabashadooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.