Mareykanka oo siiyay DF lacag afar arrimood lagu qabanayo

Dowladda Mareykanka ayaa ah deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, oo dhinacyadda dhaqaalaha iyo amniga ka taageera.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo siiyay DF lacag afar arrimood lagu qabanayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa shalay ku dhawaaqday inay siinayso Soomaaliya 86.7 Million USD [Sideetan iyo Lix Milyan iyo Todobo boqol oo kun oo dollar], kadib heshiis ka dhacay Safaaradda Muqdisho.

Heshiiska dhanka Mareykanka u saxiixay Safiirka u fadhiya Muqdisho Larry André, iyadoo dowladda Soomaaliya u saxiixeen Wasiiradda qorsheynta Maxamuud Beene-Beene iyo Maaliyadda Dr Cilmi.

Afar arrimoo oo kala ah Dimuqraadiyadda, Maaamulka wanaagga, Xasilinta iyo xoojinta dib u habeynta maaliyadda, waxaana lacagtan lagu biirin doonaa barnaamijyadda horumarinta ay USAID kawado dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa ah deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, oo dhinacyadda dhaqaalaha iyo amniga ka taageera, waxaana Biden uu May amray in Ciidankiisa inay billaabaan duqeymaha Al-Shabaab oo hakad ku jiray mudo sanad ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Mareykanka taageeradda joogtada uu siiyo, taasoo wax badan ka taraysa dib usoo kabashadda dalka, oo dhinac walba ka burburay intii dagaallada lagu soo jiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.