KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Isbedelka ayaa yimid kadib markii at hay'adaha xaquuqda aadanaha toosha ku ifiyeen khasaaraha shacabka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay xadidayso duqeymaha diyaaradeed ee Soomaaliya kadib markii ay kordheen khasaaraha shacabka.
AFRICOM ayaa warbixinta saddex billoodka ku sheegtay in sanadkan labo shacabka ah ku dhaawacmeen duqeymaha, islamarkaanka ay jiraan kiisas kale oo ay baarayaan.
Sanadkii tageyna, AFRICOM waxay qirtay in labo shacab ah ay ku dhinteen howlgallada la dagaalanka argagaxisadda.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo kala hadlay yareynta khasaaraha shacabka.
Sidoo kale, wasiirka ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa looga hadlay sidii ay u Xoojin lahaayeen Iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.
Keydmedia Online ayaa bishii October daabacday warbixin ay ka diyaarisay xasuuqa Mareykanka ka geysanayo Soomaaliya, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee sida aan kala sooca lahayn bambooyinka ugu garaacaya degaanada rayidka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.