Mareykanka oo xayiraad kale kusoo rogay Madaxda Soomaaliya

Liiska Magacyada wali ma aysan shaacin dowladda Mareykanka, balse waxaa jira warar sheegaya inay madaxda isagu jiraan kuwa hadda jooga iyo kuwa hore.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo xayiraad kale kusoo rogay Madaxda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Biden ayaa Arbacadii shalay xayiraad kale, oo dhanka fiisaha ah ku soo rogay siyaasiyiin Soomaali ah, iyadoo Maraykanku ku cadaadinayo inay dhamaystiraan doorashooyinka muddada dheer socday, oo markale dib uga dhacday jawadlkii ugu dambeeyay ee 15-ka March.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ballaarisay xayiraadaha fiisaha, waxaana ay sheegtay inay jawaab u tahay ku guul-darreysiga in doorashadda lagu dhameeyo waqtigii lagu heshiiya, si baarlamaanka cusub shaqadiisa u billaabo, loona gudaha galo doorashadda Madaxweynaha bisha soo socota.

Liiska Magacyada wali ma aysan shaacin Wasaaradda, balse waxaa jira warar sheegaya inay madaxda aan la siin doonin fiisaha Mareykanka ay isagu jiraan kuwa hadda jooga iyo kuwa hore.

Tallaabadan ayaa ciqaabta u ah Madaxda Maamullada qaarkooda, marka laga reebo Qoor-Qoor iyo Lafta-Gareen oo iska soo gabagabeeyay doorashadda kahor inta waqtiga ku dhicin iyo xubno katirsan dowladda, oo Farmaajo iyo Fahad ay suurta-gal tahay inay ku jiraan.

Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ayaa hadda la isku haystaan dhaarintooda 14-ka April, oo gudiga FEIT uu shaaciyay inay dhacayso, iyadoo Mareykanka iyo Musharixiinta taasi ku taageereen shalay. Illaa hadda waxaan la dooran 40 kursi, oo Jubbaland, HirShabeelle iyo Puntland ku harsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Blinken ayaa sheegay in iyada oo toddobaadyadii la soo dhaafay uu jiray horumarro laga gaarayay doorashadda kuraasta baarlamaanka, oo in ka badan saddex meelood labo meel la doortay.

Waan sii wadi doonnaa in aan qiimeyno magacyo dheeri ah oo hoos imaanaya siyaasaddan iyo agabka kale ee aan gacanta ku hayno si aan kor ugu qaadno isla-xisaabtanka oo aan taageerno in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo geeddi-socodka doorashada Soomaaliya si lagu kalsoonaan karo oo hufan,' ayuu yiri.

Mareykanku si xooggan ayuu u taageeraa dalka Soomaaliya, waxaana uu Bilinken xusay inay ka go'an tahay in uu ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowlad cusub, si meesha uga baxdo marnaanshaha dhanka awoodda, maadaama uu Farmaajo hal sano ka badan kursiga si sharci-darro ah ugu fadhiyay.

Waxaan kordhinayaa tirada shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee aan saarnay xannibaadaha fiisaha, kuwaasoo wiiqaya hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya,' ayuu hadalkiisa raaciyay Blinken.

Si kastaba, waxaa muuqata in cadaadiska Mareykanka illaa xad uu shaqeeyay, maadaama xayiraadii hore markii lasoo rogay, ay Madaxda si xowli ah ku qabteen doorashadda, iyadoo qof walba ka cararayo inuu liiska kusoo baxo, isagoo ilaashadan muqtaqbalkiisa siyaasadeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.