Marka: Dagaal dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda

Marka (KON) - Iska Hor'imaad ayaa Xalay ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose.
Warar Keydmedia Online

Dagaalkaan oo socday Hal Saac ayaa dhacay kadib markii ay kala shakiyeen Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda, waa sidee shaaciyeen Maamulka Magaalada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in 2 Qof ay ku dhimatay Dagaalkaan halka dhaawacu laga qiyaasay 5 Askari.

Guddoomiyaha Degmada Marka oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday in uu wax faah faahin ah ka bixiyo iska hor’imaadkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa Saakay sheegeen in ay isku dayayaan in ay heshiiyaan Ciidamada Dagaalay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Dowaladda isku dagaalaan, waxaana Ascbuuc kahor ka dhacay Deegaan hoostaga Marka Dagaal ay ku dhinteen 3 Askari.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.