Markab lagu afduubay Xeebaha Soomaaliya

Markabka oo ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kusoo jeeday dekadda magaaladda Muqdisho oo shixnado ganacsi u waday, sida ay sheegeen Saraakiisha maamulka gobolka Bari oo xeebihiisa afduubka uu ka dhacay.

Warar Keydmedia Online

BOOSAASO - Markab nooca xamuulka qaada, oo ku shareecanayay calanka wadanka PANAMA ayaa lagu afduubey maanta xeebaha Puntland, waxaa sidaasi xaqiijiyay gudoomiyaha degaanka Gardafu oo katirsan gobolka Bari oo lagu magacaabo Muuse Saalah.

Tirada dadka la socday Markabka wali ma cadda, laakiin waxaa la sheegay in afduubka ay geysteen lix nin oo burcad-badeed ah, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay la aadeen Markabka.

Wixii kusoo kordho, kala soco KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.