Mas’uul lagu dilay degmada Afgooye

Gudoomiya la dilay ay rasaastu ka haleeshay qaybaha sare ee jirkiisa, taasoo keentay inuu islamarkiiba uu goobta ku geeriyoodo, waxaana dilka mas'uuliyadiisu sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Mas’uul lagu dilay degmada Afgooye

AFGOOYE, Soomaaliya - Degmada Afgooye ee gobollka Shabeellaha Hoose, ayaa ka dhacay dil loogu gaystay gudoomiye waaxeed katirsan maamulka degmadaas.

Kooxo hubaysan ayaa gudoomiya waaxeedka rasaas ku furay xili uu ku sugnaa xaafad katirsan degmada, kadibna goobta iskaga baxsatay, sida ay sheegayaan wararka Keydmedia Online ka helayso Booliska.

Gudoomiya la dilay ay rasaastu ka haleeshay qaybaha sare ee jirkiisa, taasoo keentay inuu islamarkiiba uu goobta ku geeriyoodo, waxaana dilka mas'uuliyadiisu sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Mas'uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed, oo katirsanaa maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeella Hoose, oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal amni darro.

Ma jiraan ilaa iyo hadda waxa war oo kasoo baxay maamulka degmada oo ku saabsan dilka Gudoomiyaha, ha yeeshee wuxuu qayb ka noqonayaa dilal qorshaysan oo kooxo hubaysan ay ka gaystaan gudaha Degmadaas, kuwaas oo lagu khaariyay askarta dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka.

Afgooye waxaa saldhigyo ku leh Ciidanka Dowladda Fedraalka xilli ay dilalkaan ka dhacayaan, waxaan inta badan weerada iyo dilalka ka dhaca degmooyinlka Gobolka sheegta Al-shabaab, oo ku xooggan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.