Mas’uuliyiin lagu helay musuq-maasuq oo la xukumay

Maxkamadda ayaa sheegtay in 5 kamid ah 9-ka qof ee lasoo eedeeyay la sii daayay, kadib markii lagu waayay kiiska musuq-maasuqa,

Warar Keydmedia Online
Mas’uuliyiin lagu helay musuq-maasuq oo la xukumay

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiin sare oo katirsan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda ayaa maanta lagu riday xukuno kala duwan, kadib markii lagu soo eedeeyay musuq-maasuq ay ku sameeyeen hantida dadweynaha.

Ragga la xukumay ayaa waxay kala ahaayeen sida sii socoto:

1: Cabdullaahi Xaashi Cali, oo ahaa Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka waxaana lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax ah $2,366 oo Dollar iyo inuusan hadda kadib qaban karin Xafiis Dowladeed.

2: Maxamuud Buule Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah iyo ganaaxa $2,366 oo Dollar iyo iyo inuusan hadda kadib qaban karin Xafiis Dowladeed.

3: Mahdi Abshir Maxamed oo ahaa Madaxa Xisaabadka ee mashruuca wacyigelinta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa lagu xukumay 12 sano oo Xabsi ah ah iyo ganaaxa $2,366 oo Dollar iyo inuusan hadda kadib qaban karin Xafiis Dowladeed.

4: Bashiir Cabdi Nuur oo ahaa Madaxa mashruuca mallaariyada iyo HIV/AIDs ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa lagu xukumay 3 Sano oo Xabsi ah iyo 1,183 iyo iyo inuusan hadda kadib qaban karin Xafiis Dowladeed.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay in la siidaayo 5 kale oo kamid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegtay in dambi lagu waayay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.