Maxaa hortaagan dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya?

Danab oo tiradoodu aad u yartahay waxay fuliyaan 80% howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasoo micno wayn kusoo kordhay dagaalka lagula jiro Kooxda.

Warar Keydmedia Online
Maxaa hortaagan dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - 15 kii sano ee lasoo dhaafay, in ka badan 100,000 oo askari ayaa loo tababarey Soomaaliya, kuwaasoo kamid ah Booliska, Militeriga iyo Nabad Sugida [NISA].

Wali lama hayo Ciidan qaran oo awood u leh inay mas'uuliyadda amniga qaranka la wareegaan, iyagoo ka adkaan la' Al-Shabaab oo haysata 7,000-9,000 oo dhalinyaro ah oo tababar fiican qabin.

Militeriga Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay tiradiisa 28,000 illaa 24,000 oo askari, kuwaasoo ku jira diiwaanka Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaasoo bil walba qaata Mushahaarkooda.

Booliska wuxuu gaarayaa in ka badan 11,000 oo askari, oo intooda badan AMISOM tababartay, waxaana ay xoog u la'yihiin amniga Caasimadda, oo xarun u noqotay qaraxyada Al-Shabaab.

Hay'adda NISA ayaa leh 4,500 - 5,000 oo askari, waxayna hoos tagtaa Fahad Yasin, oo xiriir dhaw la leh Farmaajo, sidoo kalena katirsan Sirdoonka dowladda Qatar, sida xogaha sheegayaan.

Miisaaniyadda dowladda wax aad u yar oo lagu qiyaasay 5% ayaa ku baxda Ciidanka, oo askari kasta Mushaar ku filan helin, maadaama uu qaato in ka yar $200 halka askariga AMISOM la siiyo $1,228 bishii.

Maxay tahay Caqabadda Ciidanka u dhismi la'yahay?

Dhowr sabab ayaa jirta, balse waxaa ugu weyn qaraabo-kiilka iyo nin-jeclaysiga oo baab'iyay haykalka Ciidanka iyo dib u dhiskiisa, iyadoo lagu dalacsiiyo Saraakiisha qaab qabiil iyo si eex ku jirto.

Lama qiyaasi karo inta Saraal uu Farmaajo dalacsiiyay iyo inta xilal sare u magacaabey shantii sano ee lasoo dhaafay, waxayna taasi niyad jebisay Askarta kale, ee ku jirta jiida hore ee dagaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.