Maxaa ka cusub xiisadda siyaasadeed ee KGS?

Laftagareen wuxuu ka mid yahay shaqsiyaad ay Kooxdii Farmaajo u xoogeen kuraas siyaasadeed. Dec 19, 2018 doorasho boob ah oo dhiig ku daatay ayay ciidamada Itoobiya ugu caleemo saareen inuu yahay Madaxweynaha KGS, waqtigiisii hadda waa dhamaaday.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka cusub xiisadda siyaasadeed ee KGS?

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isku dayaya inuu xal la isla oggol yahay u helo xiisadaha siyaasadeed ee ka aloosan maamulka Koofur galbeed.

Aadan Madoobe ayaa xalay mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed kuwaasoo uu kala hadlay sidii loo sii dharaandhirin lahaa arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

War ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in siyaasiyiinta iyo Guddoomiyahu isla qaateen in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taala magalada Baydhabo, Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Warka waxaa lagu sheegay in dadaallada Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay meesha ka saareen saluuggi ay siyaasiyiinta qaarkood horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, waxaana la xusay in arrimahaas qaarkood laga wada heshiiyay.

Madoobe wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeynayo sidii guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey duullaankii uu Laftagareen ku qaaday xurumihii mucaaradka lagu soo celin lahaa gacan ku hayntooda ciddii iska laheyd si loo abuuro jawi xasilloon.

Dhinacyadu waxa ay isku af-garteen in tabasha kasta oo lakala qabo lagu xallin doono shirka loo madlan yahay horaanta bisha Janaayo, kaas oo dhinacyada mucaaradku ku doonayaan in Lafatagareen banneeyo xafiiska maadaama uu waqtigiisii dhamaaday.

Dec 19, 2018 doorasho boob ah oo dhiig ku daatay ayay ciidamada Itoobiya Laftagareen ugu caleemo saareen inuu yahay Madaxweynaha Koofur galbeed, waqtigiisii hadda waa dhamaaday, waxaana indhaha lagu hayaa go’aanka ay ka qaadan doonto Dowladda dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.