KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Al Shabaab ayaa sanadihii ugu danbeeyey qaabileysay dad badan oo raadinaya garsoor caddaalad ah.
MUQDISHO, Soomaaliya- Gudaha dalka qaar ka mid bulshada ayaa taga maxkamadaha Al Shabaab, si ay u helaan xukun caddaalad ah.
Maxkamadahan ay Al Shabaabku leeyihiin ayaa qaada dacwadaha madaniga
sida, dhulalka la isku qabsado, muranka ka dhasha lacagaha la kala amaahdo iwm.
Qofka in la dulmay isku arka ayaa ugu horeyn maxkamadaha Shabaabka geysta dacwad, iyadoo kooxdu ay si deg deg ah u wacdo telka qofka dacwada laga keenay kaas oo amar lagu siinayo inuu si dhaqsi leh u yimaado xarunta maxkamadda oo ku taalla deggaanka Toora-toorow.
Haddaba dadka arrintan sida dhaw ula socda, ayaa ku tilmaamaya mid nasiib darro ah, iyagoo madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday inuu dib u habeyn ku sameeyo garsoorka dalka.
Waxey ku talinayaan qubaradu, in dowlada ay la xisaabtanto dadka caddaalada u doonanaya Al Shabaab, waxaase taas ka horeysa in dowladu ay hirgaliso nidaam garsoor oo la isku haleyn karo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.