Maxaa ka jira in Askar Itoobiyaan ah lagu dilay Soomaaliya?

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidan oo kale dhowr jeer oo hore weeraro ku qaaday saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ka howlgalaya dalka.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka jira in Askar Itoobiyaan ah lagu dilay Soomaaliya?

BUURHAKABO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dishay labo askari oo Itoobiyaan ah kadib markii ay weerar Madaafiic ah ku qaadey fariisin Ciidamada ay ku leeyihiin degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Illa hadda ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab ee dilka askarta Itoobiyaanka. Maamulka Koonfur Galbeed iyo kan degmada wali kama hadlin arintan.

Dadka ku dhaqan degmada Buurhakaba ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee hadda loo beleday ATMIS ay ku jawaabeen madaafiic kale kadib markii lasoo weeraray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidan oo kale dhowr jeer oo hore weeraro ku qaaday saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ka howlgalaya dalka.

Koonfur Galbeed waa meesha Ciidanka ugu badan oo Itoobiyaan ah ay joogaan, waxaana ay intooda badan yihiin kuwa ujeedo kale uga soo tallaabey xuduuda, oo aan kamid ahayn howlgalka AU-da.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.